Xuskii sanadguurada 60-aad ee ciidamada xoogga dalka ayaa u baaqday xaaladda ka dhalatay cudurka saf-mareenka ah ee Coronavirus.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa farriin hambalyo ah oo muuqaal ah u duubay ciidamada xoogga dalka isagoo hambalyo u diray saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda.
Wuxuu khudbadiisa uga hadlay xaaladda dalka, cudurka Coronavirus iyo horumarka ay gaartay dowladda uu hoggaamiyo, isagoo sheegay inay horumar ka gaareen dhinaca dhaqaalaha, ayna dadaal dheer ku bixiyeen, ayna ku guuleysteen inay gaaraan heerkii Deyn cafinta oo inta badan laga cafiyey dalka.
Dhinaca kale Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneral Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in iyadoo laga fekerayo waxyeelada Cudurka COVID19 ay joojiyeen bandhiggii sanadguurada.
HOOS KA DAAWO