Dabley hubeysan ayaa Askari ka tirsanaa Ciidanka Dowladda Federaalka ku toogtay magaalada Muqdisho.
Dilka ayaa ka dhacay agagaarka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee Duleedka magaalada Muqdisho.
Kooxda dilka geysatay oo aheyd laba dhalinyaro ah ayaa Askariga ka toogtay qeybta sare ee jirkiisa, goobta ayayna ka baxsadeen kahor inta aysan halkaasi soo gaarin Ciidamada ammaanka.
War ururka Al-shabaab ay ku baahiyeen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen masuuliyadda dilka Askarigan.