Dabley hubeysan ayaa degmada Dharkeynley ee Magaalada Muqdishoku dhisay Nabadoon Caan ahaa.
Saddex nin oo bistoolado ku hubeysan ayaa toogasho ku dilay xalay xaafadda Dabaqeynka, iyagoo halkaasi ka baxsaday marki ay falkaasi geysteen. Dilka marxuumka ayaa dhacay markii Salaaddii Cishaha ku soo tukaday Masjidka xaafadda, xilli uun ku sii jeeday hoygiisa.
Ciidamada dowladda ayaa goobta gaaray waxayna meydka nabadoonka ka qaadeenhalkaasi iyagoo geeyay Xarunta Hay’adda Dembi Baarista ee CID.
Oday Dhaqameedka oo ka mid ahaa odayaasha waaweyn ee Beesha Hawiye, wuxuu qeyb ka ahaa doorashadii xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee Hirshabeelle, waxaanalagu magacaabi jiray Axmed Cali C/raxmaan (Axmed Jaxash).
Maanta ayaa nabadoonka lagu aasay degaanka KM13 ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay madax ka tirsan dowladda Federaalka, nabadoono iyo dadweyne fara badan.