Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir shaaciyey inay xalay toogasho ku dileen nin Dabley ah oo ka tirsan Al-Shabaab, kaasoo qorsheynayey inuu weeraro Ciidamada Booliska roondo ku jiray degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.
Isku dhac kedis ah ayaa dhex maray Ciidamada Booliska iyo Ninkan dableyda ahaa, waxaana dhex maray is rasaaseyn keentay in lagu dilo, sida lagu sheegay war kasoo baxay Taliska Booliska.
”Abaaro 8:00 fiidnimo Ciidanka Booliiska oo roondo ku maraya xaafadaha degmada Heliwaa ayaa toogasho ku dilay mid kamid ah dhagarqabayaasha Al-Shabaab, kadib markii ay si kadis ah ula kulmeen maleeshiyaad hubaysan oo gaadmo ku hayay ciidanka roondada ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay Booliska.
Falka toogashada ah ayaa ka dhacay dhacay agagaarka Baar Jowhar oo ku yaalla Xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa, mana jirto faahfaahin intaas ka badan oo ay bixiyeen ciidamada Booliska iyo xaaladda dableydii kale.
