Dablay loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Alshabaab ayaa weerar ku qaaday bar ay ciidamada dowladda ku leeyihiin duleedka Muqdisho.
Weerarkan oo ka dhacay xero ay ciidamada dowladda ku leeyihiin Ex. Koontarool ayaa la sheegay inuu dhacay xilligii afurka, iyadoo rasaas lagu furay ciidamada dowladda, waxaana ku dhaawacay askari ka tirsan ciidamada dowladda.
Dableydii weerarka soo qaaday ayaa baxsatay iyadoo markaas kadib la sheegay in rasaas kale ay rideen ciidamadii goobta ku sugnaa, wuxuuna weerarkan ka mida ahaa falal arbushaad ah oo kooxo aan la aqoonsan ay wadaan.