Qaar ka mida xisbiyada KMG ah ee dalka ka jira ayaa Dacwad ka keenay Sharciga Doorashooyinka dalka ee ay ansixiyeen labada Aqal ee Baarlamaanka, isla markaana uu saxiixay Madaxweynaha.
Xisbiyadan ayaa dacwad ay qareeno u qabsadeen hor geeyay Maxkamadda Sare, iyagoo sheegay in sharcigaasi lagu degdegay, isla markaana uu ka horjeedo Qodobka labaad ee xuquuqda muwaadinka, isagoo ka hadlaya Doorasho Qof iyo Cod ah, haddana lagu hoos wado 4.5
Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo hoggaamisa mid ka mida xisbiyada KMG ah ayaa sheegtay in Dacwadda ay u Maxkamadda Sare ay ku saleysan tahay inuu kasoo horjeedo Dastuurka dalka.
Lama oga sida dacwadda noocan ah u socon karto iyadoo guddoomiyaha iyo garsoorayaasha Maxkamadda Sare uu dhammaantod magacaabay Madaxweyne Farmaajo, isla markaana aanay jirin Maxkamaddii Dastuuriga ahayd ee xilligan kal saari lahayd arrimahan.
