Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada ayaa maanta billowday dhageysiga kiiska dacwad qaadista dilkii guddoomiyihii degmada Hodan ee magaaladda Muqdisho Cabdixakiim Dhagajuun oo bishii Janaayo xilli saq dhexe kadib ah lagu dilay degmada Howlwadaag.
Maxkamada ayaa waxaa la hor keenay saraakiishii Booliska ee loo xiray iyo kuwii ku lugta lahaa kiiskaasi, waxaana maxkamadda oo si toos ah uga qeyb galaya dadweyne iyo saxaafadda, iyadoo habsami leh u socota, waxaa su’aalo lagu weydiiyay marqaatiyeyaashii ugu horeeyay.
Taliyaha Saldhiga Degmada Hodan Bashiir Cabdi Siyaad oo xilliga falku dhacay ahaa Taliyaha qeybta Weliyow cadde ayaa maxkamadda horteeda ka sheegay inuu falka ku bilowday warbixin uu la wadaagay Taliyaha saldhigga H/wadaag Shuceyb Cabdi Maxamuud.
Wuxuu sheegay inuu xilligaasi oo ahayd 21 Janaayo uu taliye Shuceyb Cabdi Maxamuud u sheegay inay soo socdaan Gaadiid mukhaaradaad wada, kadibna markii uu tegay saldhiga H/wadaag uu la joogay taliyaha Waaberi, wuxuu sheegay inuu isku dayey inuu waco Taliyaha degmada saldhigga Hodon si uu howlgalka uga qeyb galo, balse uu taliye Shuceyb u sheegay inuu ku filan yahay, howshaasina uu ku baxay; daqiiqado kadibna ay rasaas badan dhacday.
Taliye Bashiir Cabdi Siyaad wuxuu maxkamadda u sheegay in markaas kadib uu soo wacay taliye Shuceyb, una sheegay inay is rasaaseeyeen gaari, kadibna uu ahaa qofkii ugu horeeyay ee goobta tegay, balse lagu qabtay qori oo mid ka mida istaafka Taliye Shuceyb oo hadda baxsad ah uu qori ku hayey, sidaasina u goobta ugu tegay Meydka Guddoomiye C/xakin Dhegajuun.
Kiiska dacwadda ayaa ugu horeyntiiba u muuqda inuu farta ku fiiqayo taliyihii Booliska degmada Howlwadaag Shuceyb Cabdi oo kiiskan u xiran.
