Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Dad Boorsooyin loogu tahriibinayay Yurub oo lagu qabtay Dalka Spain [Sawirro]

    Dad Boorsooyin loogu tahriibinayay Yurub oo lagu qabtay Dalka Spain [Sawirro]

    January 3, 20172 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Booliska dalka Spain ayaa xiray laba qof oo u dhashay dalka Moroko, kuwaas oo lagu eedeeyay inay isku deyeen in ay dad si sharcidaro ah ku geliyaan dalkaasi.

    Waxaa lagu qabtay ayagoo wado seddax qof oo labo ay ku qariyeen kuraasta gawaarida hoostooda iyo mid lagu xiray boorso. Dadkaasi ayaa laga gudbinaayay dhanka Waqooyiga Afrika.

    Booliska oo Isniintii isku deyay inay baaraan gaari, ayaa waxay ka heleen qof lagu qariyay muraayadda hoosteeda, qof kaloo la geliyay kursiga dambe hoostiisa oo gud laga dhigay.

    Laba qof oo dumar iyo rag kala ahaa oo loo maleynaayo inay dalka Guinea kasoo jeedaan ayaa gargaar degdeg ah loo sameeyay, maadaama uu neefsiga ku yaraa.

    Dhacdo taa ka duwan, wiil yar oo Afrikaan ah ayaa laga dhex helay boorso qof dumar ah ay lahayd. Dhacdo tan la mid ah ayaa la arkay 30-kii december.

    Waxaa loo maleynayaa in wiilkan uu ka soo jeedo dalka Gabon, waxaana loo sameeyay daaweyn degdeg ah. Gabar lagu sheegay inay 22-sano jir tahay oo u dhalatay Moroko, ayaa isku deyday inay si qarsoodi ah ku geliso Ceuta, laakiin laanta socdaalka ayaa ku amray inay furto boorsada oo ku xirneyd gaari-gacan.

    Xuduudda Spain iyo Moroko ayaa waxaa ka taagan qalalaase ka dib markii muhaajiriin Afrikaan ah ay isku deyeen inay xoog uga gudbaan.

    Illaa 50 askeri Moroko ah iyo shan Spanish ah ayaa dhaawacmay ka dib markii 1,100 tahriibayaal ay isku deyeen inay xeyndaabka dumiyaan Axaddii.

    Midkoodna umeysan suuragalin inuu ka gudbo halkaas, balse labo qof oo ka mid ah ayaa dhaawacantay waxaana loo qaaday cisbitaal ku yaalla Ceuta. Intay rabshada socotay, mid ka mid ah ilaalada ayaa ishiisa ku waayay, sida saraakiisha dalkaasi ay sheegayaan.

    Dhacdo taas oo 9-kii december ka dhacday xuduuda waxaa ku lu lahaa ilaa 400 oo tahriibayaal Afrikaan ah. Dalka Moroko waxaa ku sugan dad badan oo ka tahriibay dalalka saxaaraha ka hooseeya ee Afrika, kuwaas oo doonaya inay u gudbaan Yurub.

    BBC

    Spain Tahriib
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXOG: Musharax Shariif Sheekh Axmed oo Qiime kordhin ku sameeyay Codadka Xildhibaanada
    Next Article Axmed Madoobe oo degdeg Kismaayo ugu yeeray xildhibaanada lagu doortay Kismaayo [Akhri sababta]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo