Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in dad cusub oo gaaraya 62 qof laga helay labadii maalin ee ugu danbeysay.
War goor dhow kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in 25 April 2020 dadkii laga baaray cudurka COVID-19 ee Soomaaliya laga helay: 62 qof oo 44 ka mida Lab yihiin, halka 18 kale ay dheddig yihiin.
Waxaa cudurka kasoo boqsaday 2 qof, waxaase u dhintay 2 kale. Tirada Guud ee dadka qaba cudurka gudaha Soomaaliya waxay gaaray: 390 qofm halka dhimashada tahay 18,waxaana soo bogsooday 10 qof.