Laba qof ayaa ku dhintay, tiro kalena waa ku dhaawacmeen bannaanbax ka dhacay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, kaasoo looga horjeedo xariga Jeneraal Sheegow Axmed Cali.
Dadweynaha beelaha Jareer ayaa bannaanbax ka dhigay magaalda Beledweyne, iyagoo dalbadnaya in la sii daayo Jeneraal Sheegow ooo u xiran ciidamada dowladda, kadib dagaal dhex maray ciidamadiisa oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Ciidmadaa amniga magaalada Beldweyne ayaa rasaas ku furay dadweynaya xirtay wadooyinka qaar oo ay sheegen inay rabshado sameeyeen, waxana rasaasta la furayku dhintay 2 qof, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale.
Odayaal hoggaaminayey bannaanbaxa ayaa sheegay inay ka xun yihiin sida loola dhaqmay Jeneraal Shegow, isla markaana ay ciidamo iyo maleshiyo u diyaariyeen difaaciisa oo ay tegi doonaan ilaa magaalada Muqdisho.