Wararka laga helayo magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ayaa sheegaya in dhowr qof lagu dilay rabshado ka dhacay xaafadda Balbala ee magaaladaasi kadib markii ay is fara saareen Booliska iyo dadweyne.
Dagaalka ayaa bilowday saaka xiligaasi oo dadweyne tiro badan ay isugu soo baxeen munaasabad Siyaaro diimeed ah oo sanad walba la qabto oo lagu xuso Sheekh Yoonis Muuse.
Ciidamada Booliska Jabuuti ayaa isku dayay inay kala eryaan dadkii ka soo qayb galay xuska siyaaradan taasoo keentay in ciidamada iyo qaar ka mid ah dadweynuhu isku dhacaan oo faraha la isula tago.
Dadka dhintay ayaa wararku sheegayaan in rasaas ay haleeshay iyado ciidamada booliska qaarkood ku dhaawacmeen, waxaana markii danbe goobtaas la wareegay ciidamada.
Wadani.com