Wararka naga soo gaaraya Gobolka Sh/Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in dad dhowr loogu dilay aano qabiil.
Dilkan ayaa ka dhacay degaanka Xawaadley ee degmada Balcad, waxaana la sheegay in Shan qof oo la socday Gaari nooca xamuulka ah oo qaada khuraarta lagala degay lana dilay.
Dilkan ayaa la sheegay inay geystay maleeshiyo beeleed degaanka ah, waxayna dileen Darawalkii Gaariga kirishbooygii iyo 3 qof oo kale oo gaarigaasi la socday, iyadoo kadibna goobta ka baxsaday.
Xiisad colaadeed ayaa in muddo ah ka taagan Tuulooyin ka tirsan degmada Balcad ee Gobolka Shabeelada Hoose, iyadoo maamulka Hirshabeelle aanu ku guuleysna inuu wax ka qabto.
Wadani