Wararka laga soo gaaraya gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya dad rayid ah ay halkaasi ku dileen sarkaal caan ahaa oo ka tirsan ururka Alshabaab.
Dadka dilka geystay ayaa la sheegay inay ahaayeen laba nin oo rayid waxayna toogasho ku dileen mid ka mida Taliyeyaasha Sare sare ee Al-shabab ee Gobolkaasi, kaasoo lagu magacaabi jiray Cabdiraxman Raaxaale.
Weerarka lagu dilay horjoogaha Alshabaab ayaa ka dhacay deegaanka Ceel Dheere Barsane oo qiyaastii 50 km u jirta magaalada Jowhar.
Labadan nin ayaa waxaa saldhigga booliska ee Jowhar ku soo bandhigay ciidamada Booliska waxayna sheegeen inuu aa u dhibay ninkan ayna ka waayeen wax jileec ah, isla markaana lacago baad ah ka qaadan jiray, dadkana iska xiran jiray.
DHAGEYSO DADKA DILKA GEYSTAY OO U WARRAMAY VOA
Wadani.com