Waxaa maanta lagu wadaa in la soo gabagabeeyo shirka wadatashiga siyaasadda Soomaaliya ee looga hadlayo qaabka loo qabanayo doorashada sanadka 2016, waxaana shirka shalay hareeyay dib u dhac kadib markii maamulka Puntland uu ka baxay shirka, kadibna maamulka Jubba ka maqnaaday shirkii galabtii.
Wararka laga helayo madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta shirka lasoo gabagabeyn doono iyadoo laga soo saarayo war-mutiyeed, waxaana sidaas ku adkeysanaya madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyadoo arrimaha la isku hayo dib loogu dhigayo shirar kale loona xilsaarayo guddiyo u gaara.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaatri) ayaa la sheegay inay ka go’an tahay inaan wax tanaasul ah loo sameynin caqabadaha maamulada qaarkood ku wadaan shirka, waxayna madaxda maamulada ku ekaan doonaan inay ka qeyb galeen furitaanka shirka.
Wakiilada beesha caalamka oo dadaal ugu jira in war loo dhan yahay la soo saaro ayaa ah rajada kaliya ee laga sugayo inay qanciyaan maamulada shirka diidan.
Wadani.com
[ad name=”HTML-7″]