Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 28
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Dadaalkii ugu danbeeyay ee badbaadinta 5 Sano jirka Ceel ku dhacay Dalka Marooko oo socda

    Dadaalkii ugu danbeeyay ee badbaadinta 5 Sano jirka Ceel ku dhacay Dalka Marooko oo socda

    February 4, 2022Updated:February 5, 20222 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Rayan ayaa ku dhacay Ceel 32 Mitir ah, wuxuuna ku jiraa saddex maalmood, iyadoo malaayiin qof ay ugu duceynayaan in nolol lagu soo saaro.

    Wararkii ugu danbeeyay: kadib howl socotay xalay oo dhan, waxaa goo dhoweyd warbaahint dalka Marocco ay sheegtay in howlgalku ku jiro waqtigii ugu danbeeyay oo badbaadiyeyasha ay wilka Rayaan u jireen ilaa 2.5 M, waxayna howshu ku socotaa si gaabis ah, taasoo ay ugu wacan tahay in gacanta lagu qodayo godka, iyadoo laga cabsi qabo in dhulku soo dumo.

    Dadaalkii ugu danbeeyay ee lagu badbaadinayo wiilka shan sano jirka ah ee u dhashay dalka Maroko ayaa socda iyadoo dad badan ay rajo ka qabaan in isagoo nool oo bed qaba laga soo saaro ceelka uu ku dhacay.

    Wiilkan Rayaan ayaa ku dhacay Talaadadii Ceel qalalan oo dhererkiisu gaarayo 32 mitir, tuulada Tamrout, ee gobolka Chefchaouen, Waqooyiga Morocco. Kooxda gurmadka ayaa sheegtay in laba mitir ay ka xigto gaarista, balse ay tahay xaalad adag oo laga cabsi qabo in dhulku soo dumo.

    Canugga yar Rayaan ayaa weli nool, isla markaana waxaa la gaarsiiyey Ogsijiin iyo Biyo, balse waxaa welwel laga qabaa xaaladiisa kadib dhaawacyo kasoo gaaray markii uu k udhacay ceelka.

    Kooxdan gurmadka ayaa qodaya taako dhererkeedu dhan yahay 150 mitir iyo 32 mitir oo qoto dheer, taasoo laga barbar qodayo Ceelkii uu ku dhacay Rayaan, si ay uga soo gaaraan dhumuc jiif ah oo kadib si toos ah u gaari karaan.

    Dadaalka qodista ceelka ayaa yimid kadib markii ay ku guul dareysteen dad badan oo isku dayey inay galaan Ceelka si ay gaaraan canugga ku xayiran, taasoo ka dhalatay dhexda Ceelka oo aan ka badneyn 45 sentimitir iyo carrada oo adag.

    Rayaan ayaa wali lagu sii wadaa in Ogsajiinta iyo biyaha laga siiyo Tubooyinka si uu u sii noolaado, waxaana maamulka ay diyaariyeen diyaarad Helicopter ah oo ay leedahay Ciidanka Gendarmerie ee Marooko, waxaana goobta ku sugan kooxo caafimaad oo ku takhasusay soo kicinta Wasaaradda Caafimaadka si ay u qaadaan. soo bax waxqabadyada caafimaad ee lagama maarmaanka ah ka hor inta aan ilmaha Rayan loo wareejin xarunta isbitaalka ugu dhow.

    Dalka Marooko, waxaa baraha bulshada ka bilowday olole ballaaran oo lagu muujinayo garab istaaga ubadka Rayan iyo qoyskiisa ee dhibaatadan soo gaartay. Qaar ka mid ah dadka caanka ah ayaa ku biiray ololaha ducada wilka yar, waxaana ka mida xiddiga kubbadda cagta Morocco Ashraf Hakimi iyo xiddiga xulka qaranka Algeria Riyad Mahrez.

    Toos u daawo

    Marocco Rayan Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFaankii Fahad iyo Fiyoonadii Za’iir (Ina Yaasiin waardiye uma aha Farmajo – Qormo Sirdoon)
    Next Article Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga oo lagala baxay Hotel uu ka deganaa magaalada Baydhaba

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo