Tirada dhimashada dhul-gariirkii ka dhacay dalka Talyaaniga ayaa sare u kacday iyadoo la qorsheynayo in la sameeyo aaskii ugu horeeyay ee dadkii dhintay.
Dhulgariirka oo ahaa mid burbur badan geystay ayaa dadka dhintay waxay kor u dhaafeen 270 qof, waxaana weli laga soo saarayaa guryaha burburay hoostooda meydad fara badan.
Qeybta caafimaadka magaalada Roma ayaa lagu daweeyay 400 qof, 40 ka mida dadkaasina waxaa ka mida dhaawacoodu aad u liitay.
Dhul-gariirkii weynaa kadib ayaa la soo weriyay inay dhaceen dhul gariiryo kale oo goosgoos ah kuwaasoo dadka u diiday inay ledaan, waxayna weli ku nool yihiin banaanada iyo Teendhooyin loo dhisay.
BartamahaTalyaaniga oo dhul-gariirku ugu xoog badnaa ayaa mar kaliya cimiladu is bedeshay, waxaana u dhuftay qabow darran iyadoo markii hore ay kuleyl ku jireen.
Wadani.com