Faahfaahin dheeraad aha ayaa kasoo baxaya dagaal shalay iyo ilaa xalay ka socday degaan ka tirsan degmada Aadan yabaal oo ah xarunta ugu weyn ee Alshabaab uga harsan tahay Goboka Sh/Dhexe.
Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ee ka howlgala Gobolka Hiiraan, gaar ahaan degmada Maxaas ayaa gaaray degaanka Ceel-dheere ee xuduudka gudaha dhinaca Sh/Dhexe, iyadoo dagaalka uu ahaa mid culus oo qasaare badan dhaliyay.
Guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane ayaa sheegay in ilaa 20 maleeshiyo looga dilay Alshabaab, isla markaana dhinacooda u jiro qasaare dhimasho iyo dhaawac, iyadoo uu dagaalkii galay maalintii labaad.
Alshabaab ayaa dhinacooda sheegtay in dagaal ka dhacay meel 6Km u jirta degaanka Tardo ee xuduuddka Hiiraan iyo Sh/Dhexe lagu dilay 6 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda, lagu dhaawacay 10 kale. Ma jirto cid madax bannaan oo xaqiijisay sheegashada labada dhinac.
Dagaallada lagu jiray Alshabaab ee ka soday gobollada Hiiraan, SH/Dhexe iyo Galgaduud ayaa hakaday muddooyinkii ugu danbeeyay, waxaana la filayaa in dib loo bilaabo, kadib socdaalkii uu dhowaan ku tegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
