Dagaal beeleed ay isaga horjeedaan labo maleeshiyo ayaa ka socda deganka Baar ee duleedka Magaalada Baledweyne Gobolka Hiiraan.
Dagaalkan ayaa ka danbeeyay aano qabiil iyo dilal fool xun oo degaankaasi ka dhacay maalmihii ugu danbeeyay, iyadoo shalay degaankaasi lagu dilay Carruur iyo Haween oo dab la qabadsiiyay gurigoodii.
Dagaalka oo weli socda ayaa wararku sheegaya in lagu dilay hal qof, ;laguna dhaawacay laba kale. Waxaa degaankaasi ka taagan xiisad colaadeed iyo hub urursi.
Maamulka Gobolka Hiiraan iyo dowladda Federaalka ayaan weli ku bixin colaadda kasii dareysa ee duleedka magaalada Beledweyne ku dhex mareya labadan beelood.
Wadani.com