Dagaal culus ayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ku dhex maray ciidamada dowladda Soomaaliya.
Dagaalka oo socday muddo ku dhow saacad ayaa dhex maray ciidamada Booliska gaarka ah ee Haramacad iyo kuwa Nabadsugidda ee NISA, waxaana ka dhashay qasaare kala duwan, iyadoo xaaladda la qaboojiyey markii ay dhex galeen mas’uuliyiin iyo odayaal.
Ila 7 qof ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen dagaalka oo dhaliyay xaalad kacsan, waxaana uu ka dhashay muran labada ciidan ka dhex taagnaa oo ka bilowday Bar koontrol oo ay magaalada ku leeyihiin ciidamada Haramcad oo marar badan loo diiday inay maraan ciidamada NISA.

Labada ciidan ayaa hore isugu dhacay xilli uu Madaxweyne Qoorqoor ku sugnaa xerada milateriga ee 21-aad, waxaana wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in xaaladda ay degan tahay, balse ay weli xiisad ka dhex jirto labada ciidan.