Daalibaan oo weerar culus u qaaday Gobolka Dooxada Panjshir oo ah halka ugu dambeysa ee dalka Afghansitan ee gacanteeda ka maqan ayaa sheegtay inay qabsatay qeybo ka mida Gobolkaasi.
Daalibaan ayaa weerarka qaaday, kadib markii ay fashilmeen wadahadal ay kula jirtay hoggaamiyaha kooxda la baxday muqaawamada Panjshir oo ah Axmed Mascuud, wiilka uu dhalay hoggaamiyihii degankaasi caanka ka ahaa.
Dagaalka ayaa bilowday Jimcihii markii ciidamada xarakada iyo Jabhadda Iska-caabinta Qaranka ee uu hoggaaminayo Axmed Mascuud ay ku dagaalameen afka hore ee Dooxada Panjshir, waxaana halkaas isugu tegay ciidamadii dowladda ee dhacday, maleeshiyo beeleed iyo kooxo kale.
Madaxweyne ku xigeenka dowladii dhacday ee Afghanistan Amrullah Saleh oo halkaasi ku sugnaa ayaa beeniyey inuu isaga tegay, wuxuuna sheegay inay iska caabiyeen weerarka Daalibaan.
Warbaahinta Hindiya ayaa soo werisay in Amrullah Saleh uu ka tagay gobolka Panjshir kuna aaday Tajikistan, halka wakaaladda “Sputnik” ee Ruushku ay isla mar ahaantaana soo xigatay ilo ka tirsan ciidamada Panjshir oo beeniyay in Amrullah Salih uu gobolka ka tagay kuna aaday Tajikistan.
Labada dhinac (Daalibaan iyo ciidamada Mascuud) ayaa sheegay in dhinaca kale uu soo gaaray jab xooggan. Suuragal ma ahayn in la xaqiijiyo hadalada labada dhinac maxaa yeelay waxaa la joojiyay isgaarsiinta Internetka iyo taleefoonka dooxada Panjshir.
Dhaqdhaqaaqa Daalibaan ayaa markan u muuqda inay ka go’an tahay inuusan dib u soo celin khaladkii uu galay xilligii maamulkiisii horee ee 1996, markaas oo gobolka Panjshir uu iskiis u ahaa Gobol aan gacantooda ku jirin, kadibna laga abaabulay dagaalkii xukunka looga tuuray.
