Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Bulshada»Dagaal Facebook ku dhex maray Musharax Cali Americo & Xildhibaan Mahad Salaad [Kee khaldan..?]

    Dagaal Facebook ku dhex maray Musharax Cali Americo & Xildhibaan Mahad Salaad [Kee khaldan..?]

    January 7, 20173 Mins Read Bulshada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa dagaal qoraalka ah uu barta xiriirta bulshada  ee Facebook ku dhex maray Musharax Madaxweyne Maxamed Cali (Ameriko) iyo Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad.

    Dagaalkan ayaa ku bilowday kadib markii bartiisa Facebook uu murashax Maxamed Cali Ameeriko soo dhigay wiil yar oo 12 jir ah, kaasoo aan helin xuquuqdii uu lahaa, isagoo ku eedeyay dowladda hadda jirta. Wuxuuna qoraalkiisu u qornaa sidan:

    “Maanta anigoo jooga maqayad ku taal Xamar, wiilkaan yar, Ismail, wuxu igu yiri “Adeer kabaha Ma kuu casayn karaa?”Aniga Iyo dadki ila socday waan u dhiibanay kabahena inuu noo soo caseyo. Marku soo caseeyay ayan ku iri ii sheeg telefonkada si aan kugu soo diro lacagta, number ayuu I siiyay oo igu yiri waa numberka hoyaday. Waxan weydiiyay adiga number Ma qabtid miyaa, waa qabaa laakin wixi aan shaqeyo hoyaday ayan u diraa ayu yiri , oo guriga joogto oo walaalahay ayay haysaa, Aabahayna wuu dhintay. Wuxu igu yiri 12 sano ayan jiraa, laba Maalmood Kaliya Ayaan skool adaa sababtoo aha Ma bixin karno lacagta skoolka. Wuxuu ii sheegay inuu dhigto fasalka labaad ee dugsiga hoose, waxay ahayd inuu dhigto fasalka 6aad AMA 7aad. Skuul lacag la’aan inuu helo ayay ahayd, sidaan markaan yarayn wax ugu soo baranay. Wiilkaan oo kale ayaa Somaliya ka buuxa, oo u baahan kaalmo. Walaalayaal aan kaalmayno dhibayanaasha. Insha Allah skoolka Ismail waan ka bixin doonaa. Walaalayaal qofki rabo inuu kaalmeeyo Ismail, fadlan ugu dira hoyadiis Jamila , +252618713296.

    MUDDO KA DIB WAXAA ARRINTA JAWAAB KA BIXIYAY XILDHIBAAN MAHAD MAXAMED SALAAD OO QORAALKIISA JAWAABTA AHAA KU YIRI:

    “Asc asxaabey. Salaan kadib Safiirku waa mahadsanyahay. Wuxuu la kulmay Safiirku sida uu noo sheegay wiil danyar ah. Agoona ah. Schoolna dhigta. Kadibna wuxuu Safiirku noo soo bandhigay inla kaalmeeyo wiilkaas yar.! Hadaba waxaa iga su’aal ah: Hadiiba Safiir Ali la kulmay wiilkaas yar ee Agoonka ah. Maadaama uu rabo Safiirku inuu hugaamiyo Ummad, una sharaxan yahay Madaxweyne inuu u noqdo dhowr iyo toban milyan oo Soomaali ah ma halkaas wiil ayuu kafaala qaadi waayay Safiirku?..

    Hadaba anigoo xildhibaan ah, aaminsana Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed in mas’uuliyadi iga saarantahay waxaan kafaala qaadaya waxbarshada wiilkaasi yar. Isaga oo dhigan doona school lada dowladu leedahay ee sida lacag la’aanta ah kumanaanka ardayda ah sida Ismaaciil oo kale wax uga bartaan. Inta aan noolahayna aniga ayaa kafaala qaadaya noloshiisa iyo inshaa’allaah. Mahadsanidiin”


    Marka la eego sida labada mas’uul arrinta u soo bandhigeen waxay gebi ahaanta u muuqataa mid halagaa sheego ah oo aan haba yaraatee sadaqo iyo wax u qabasho ahayn…

    Musharax Maxamed Cali Americo inuu wiilkaas miskiinta ah baraha bulshada ku faafiyo ma aha wax fiican, sababtoo ah waxa kaliya ee loo qaadan karo waa inuu musharaxnimadiisa uga faa’iideyso, haddiiba uu wax u qabanayo waxay ahayd inuu wiilkaas iyo kumamaanka kale ee la mida uu wax u qabto sida Xildhibaan Yuusuf Xeyle oo uu ka xoolo iyo aqoon badan yahay.

    Xildhibaan Mahad Salaad, isaguna waxaa ku habooneyd inuu ka gaabsado arrintan, wuxuuna xaaladda oo dhan ka dhigay olole doorasho, isagoo u daneynaya kooxdiisa iyo ololaha ay ku jirto.

    Ugu danbeyn waxaa naga talo ah in umadda dhibaateysan ee Soomaaliyeed aanay musharixiinta xil doonka ah iyo kuwa taageerayaasha ah u adeegsan danahooda gurracan ee ay isku xishooadaan.

    Wadani.com

    Dagaal Facebook Mahad Maxamed Salaad Maxamed Cali Amerika
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWaa imisa Lacagta ka soo xarootay musharixiinta xilalka Guddoonka Sare ee Baarlamaanka..?
    Next Article Sidee Cumar C/rashiid isaga casilay dowladii Sheekh Shariif & Shariif Xasan..? [XUSUUS SIYAASADEED]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo