Wararka laga helayo degmada Aadan-yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe oo dhowaanahan ay xiisad colaadeed ka jirtay ayaa sheegaya in dagaal qaraar uu ka dhex qarxay ciidamada Itoobiya ee duulaanka ku qaaday iyo qaar ka mida maleeshiyada Alshabaab oo saldhig ku lahayd degmadaasi.
Dagaalka ayaa ka socda duleedka degmada, waxaana dadka degaanka ay soo sheegeen in hub waaweyn lagu dagaalamayo, dadkii ku sugnaa xarunta degmadana ay ka bara kaceen.
Dagaalka ayaa qarxay kadib markii maleeshiyo Alshabaab ah ay jidka u galeen ciidamo Itoobiyaan ah oo ku soo sinqayay degmada Aadan yabaal, waxaana weerarka oo gaadmo ahaa la sheegay in qasaare labada dhinac ah uu ka dhashay.
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa kasoo ruuqaansaday shalay degaanka Muqokori, waxayna inka yar 5 KM u jirsadeen maanta degmada Aadan Yabaal, taasoo keentay inay maleeshiyada Alshabaab jidka u galaan.
Wadani.com