Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»BREAKING NEWS»Dagaalka Guriceel: Xeeladii Kooxda Ahlu Suna ee Shalay iyo Wejiga Cusub ee dagaalka maanta

    Dagaalka Guriceel: Xeeladii Kooxda Ahlu Suna ee Shalay iyo Wejiga Cusub ee dagaalka maanta

    October 25, 2021Updated:October 25, 20212 Mins Read BREAKING NEWS
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Maalintii saddexaad waxaa magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ka socda dagaal u dhaxeeya ciidamada Dowladda Federaalka/Galmudug iyo kooxda Ahlu suna, kaasoo dhaliyey qasaare baaxad leh.

    Dagaalka xoogiisa ayaa ka socda Aagga Jaamacadda ee magaalada Guriceel iyo degaanada ku teedsan oo ay si weyn ugu xooggan yihiin dagaalamayaasha Ahlu suna, kana dagaalamayeen labadii maalmood ee ugu danbeysay.

    Ahlu suna ayaa intii uu dagaalku socday xeelado cusub lasoo baxday, waxayna laba jeer si kedis ah gaadmo ugu leysay saraakiisha iyo ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug markii ay iska dhigtay inuu dagaalku dhammaaday, marna ay codsatay inay dariiq ay uga baxdo la siiyo.

    Xeeladii ugu danbeysay ee shalay ayaa ahayd inay dalbadeen fursad loo siiyo xabbad joojin iyo in loo banneeyo dariiq ay ka baxaan, waxaana la sheegay xabbad joojin socotay ku dhowaad laba saacadood ay uga faa’iifeysteen inay dibadda u saaraan dhaawacyadooda iyo inay helaan gurmad hub iyo ciidan, taasoo keenay inay dagaal culus oo rogaalcelin ah qaadaan.

    Wararka maanta laga helayo magaalada Guriceel ayaa sheegaya in dagaalka uu si goosgoos ah saaka ku bilowday, iyadoo uu weli ka socdo Aagga Jaamacadda, waxaana dagaalka maanta la sheegay inuu loo qorsheeyay sidii goobtaasi looga saari lahaa.

    Dagaalka waxaa maanta wada hoggaaminaya taliyaha guutada 15-aad ee qeybta 21-aad Jen. Mascuud Maxamed Warsame iyo Taliyaha Booiska Gobolka Banaadir Farxaan Qaroole, waxaana laga cabsi qabaa inuu dagaal culus dhex maro labada dhinac.

    Ciidamada is-garabsanaya ayaa sheegay inayu gaari kuwa dagaalka ah oo uu saaran yahay Qori Dhashiike ah ay ka qabsadeen dhinaca Ahlu suna, iyadoo dagaalku sii xoogeysanayo. Wararka qaarkood ayaa sheegaya in Biyaha laga jaray aagga ay ku sugan yihiin maleeshiyada Ahlu suna.

    Dowladda Federaalka iyo Galmudug ayaa ciidamo cusub geeyay Guriceel, waxayna dadaal xoog leh ugu jiraan inay dagaalka soo afjaraan, iyadoo waqti kale oo uu qaato dagaalka Guriceel uu sumad sumo ku yahay Axmed Qoorqoor iyo Maxamed Farmaajo, kuna keenayo culeys weyn, iyadoo hore loo qorsheeyay in hal maalin uu dagaalkaasi kusoo afjarmo.

    Magaalada Guriceel ayaa haawaneysa, waxaana isaga baxay dadkii ugu danbeeyay ee ku haray, iyadoo shalay qeybo kala duwan ay ku dhaceen madaafiic hoobiyeyaal ah.

    Ahlu suna Dagaal Galmudug Guriceel
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDoorasho ‘Qof iyo Cod’ noocee ah ayaa ka dhaceysa 3 Degmo oo ka tirsan Maamulka Puntland..?
    Next Article Hoggaamiyaha Milateriga Sudan oo ku dhawaaqay in la kala diray xukuumadii iyo Golihii hogaaminta…

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo