Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareen ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaalkii ka socday magaaladaasi uu weji cusub yeeshay kadib markii ay ku biireen ciidamo taabacsan Galmudug.
Dagaalka oo markii hore ku bilowday kooxda Ahlu sunada Gobollada Dhexe ee Itoobiya taageerto iyo ciidamo uu watay sarkaal lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne oo hore uga soo goostay ciidamada dowladda ee Gobolada dhexe ayaa kadib u xuub siibtay dagaal weyn oo u dhaxeeya Ahlu suna iyo Galmudug.
Dad ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa xaqiijiyay in ciidamo gurmad ah kana tirsan qeybta 21aad ee Galmudug taabacsan aya dagaalka ku biireen, waxayna arrintan meesha ka saareysaa dadaaladii nabadeed ee laga dhex waday Ahlu suna iyo Galmudug.
Xaalada ayaa weli cakiran waxaana hubka la adeegsanayo ka mida lidka diyaaradaha iyo boobayaasha culus, inta badan dadkii magaalada ayaa isaga qaxay iyagoo naftooda la cararaya.
Wadani.com