Dalka Lubnaan oo muddo dheer xukuumad la’aan ahaa ayaa goor dhoweyd looga dhawaaqay Ra’iisal wasaare iyo Gole Wasiiro cusub.
Dalkan oo ay la degaan khilaafaadyo siyaasadeed oo ku dhisan Qomwiyado ayaa ugu danbeyn yeeshay xukuumad cusub, 13 bilood kadib markii ay is casishay xukuumadii Ra’iisal wasaarihii hore ee dalkaasi Hassan Diyab.
Ra’iisal wasaraha cusub ee Lubnaan Najiib Miiqati ayaa ku dhawaaqay Golaha Wasiirada cusub ee dalkaasi oo ay ku heshiiyeen kooxaha kala duwan ee xukuumaddu ka dhaxeyso.
Lubnaan waxay ahayd dowlad qalalaase hareeyay oo aan lahayn xukuumad shaqeyso tan iyo qaraxyadii masiibada ahaa ee dhacday Dekadda magaalada Beirut 4-tii Agoosto 2020; taasoo keentay inay is casisho xukuumaddii Ra’iisul Wasaarihii hoe Xasan Diyab.
Dhinacyada siyaasadda ee iska soo horjeeda dalka Lubnaan ayaa isku maandhaafsanaa dhismaha xukuumadda cusub, waxaana ka dhashay inuu burburo dhaqaalihii dalkaasi oo gaaray heerklii ugu xumaa, Lacagta dalkaasi oo qiime beeshay iyo shidaalkii oo la waayey.
Golaha Wasiirada cusub ayaa ka kooban 24 wasiir oo uu hogaaminayo ganacsadaha weyn ee Najiib Miiqaati. Wasiirrada waxaa soo xulay isla siyaasiyiintii dalka soo xukuntay tobannaankii sano ee la soo dhaafay kuwaas oo lagu eedeeyay musuqmaasuqa baahsan ee dalkaasi ka jira.
