Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Facebook miyaa laga hagaa Go’aannada Ra’iisal wasaare Rooble, Yuuse tallooyinka ka qaataa..?

    Facebook miyaa laga hagaa Go’aannada Ra’iisal wasaare Rooble, Yuuse tallooyinka ka qaataa..?

    September 10, 2021Updated:September 10, 20212 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Tan iyo intii uu soo shaac baxay khilaafka Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo waxaa soo shaac baxay taageerayaal la safan Ra’iisal wasaaraha.

    Rooble oo hore nabad-doon u ahaa, isla markaana waqti dheer ay midowga Musharixiinta ku kari waayeen inay ka hor keenaan ayaa kadib markii uu la wareegay Amniga Doorashada is bedelay wuxuuna si tartiib, tartiib ah ula soo baxayay awoodo dheeraad ah, ilaa ay xaaladu gaartay inuu qarxdo khilaafka kala dhaxeeya Farmaajo.

    Khilaafka Farmaajo iyo Rooble oo muddo si hoose ku socday, wuxuu dibadda usoo baxay markii Rooble qorsheystay inuu faraha la galo siyaasadda arrimaha dibadda iyo safarkiisii Kenya, kadib markii Farmaajo ka hor yimid, isaguna ku adkeystay, wixii intaas ka danbeeyayna waxaa socday loolanka labada nin ilaa kiiska Ikraan Tahliil uu keenay inay isku dhacaan.

    Gacanyareyaasha Rooble waxay qeyb ka yihiin khilaafka taagan, waxaana ugu waaweyn Wasiirka Waxbarashada C/llaahi Carab iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta C/raxmaan Al-cadaalla, laakiin waxaa maalmihii ugu dambeeyay soo shaac baxay in tallaabooyinka Ra’iisal wasaare Rooble qaadayo ay ka yimaadeen rag ka mida dhinaca mucaaradka.

    Musharax C/raxmaan C/shakuur waa ninka ugu weyn ee difaaca Rooble xilligan, isla markaana siinaya tallooyinka uu qaadayo, iyadoo tallooyin badan oo uu baraha bulshada kusiiyey Rooble uu fuliyey. Waxaa ku soo xiga Xildhibaan Mahad Salaad oo isna ka mida xubnaha sida weyn u garab taagan Ra’iisal Wasaaraha.

    Dad badan ayaa filayay in Ra’iisal wasaare Rooble uu wax badan xeerin doono marka ay timaado loolanka kala dhaxeeya Farmaajo, kana waantoobi doono in khilaafku saameyn ku yeesho Doorashada iyo Xasiloonada, laakiin waxay kooxda Farmaajo hadda ogaatay in ninkii ay laba bilood ku dhowaad raadiynayeen si uu qorshahooda doorashada u fuliyo uu hadda yahay kan ugu halista badan ee ay wajahayaan.

    Talooyinkii ugu danbeeyay ee C/raxmaan C/shakuur siiyey Rooble 10 September, isagoo diidan waanwaan la sheegay inay socoto waxaa ka mida:

    1- Go’aannadaada ku soco
    2- Shacabka Soomaaliyeed ayaa ku garab taagan
    3- Maxkamadda dDcwadda loo gudbiyey waa inay horay u socodsiiso kiiska.
    4- Kiiska Ikraan maxkamad dadwayne (Public Court) oo shacabkoo idil indhaha ku hayaan ayuu saaran yahay ee ma aha mid la dabooli karo

    C/raxmaan C/shakuur Ra'iisal Wasaare Rooble Rooble Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDal in ka badan Hal sano xukuumad la’aan ahaa oo maanta Gole Wasiiro cusub looga dhawaaqay
    Next Article Midowga Musharixiinta oo War-Saxaafadeed Culus soo saaray (Digniin ku socota Guddoomiye Mursal)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Golaha Amniga Qaranka Turkiga oo anisixyey Qorshe culus oo ku saabsan Dagaalka Alshabab ee Somaliya

    May 27, 2025

    XOG: Shir muhiim ah oo Berri u furmaya mucaaradka iyo shaki kala dhex galay xubnaha Sare

    May 27, 2025

    Xasan Kheyre oo soo saaray dalab culus u diray madaxweyne Xasan Sheekh

    May 27, 2025

    Sheekh Shariif oo Madaxda Dowladda Somaliya ku eedeeyay xaalad ka taagan Degmo ka tirsan Muqdisho

    May 27, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo