Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»BREAKING NEWS»Midowga Musharixiinta oo War-Saxaafadeed Culus soo saaray (Digniin ku socota Guddoomiye Mursal)

    Midowga Musharixiinta oo War-Saxaafadeed Culus soo saaray (Digniin ku socota Guddoomiye Mursal)

    September 10, 2021Updated:September 10, 20212 Mins Read BREAKING NEWS
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Kulan deg-deg ah oo ay yeesheen Golaha Midowga Murashixiinta maanta oo Jimce ahayd, taariikhdu tahay 10/09/21 ku ayaa laga soo saaray War-saxafadeed ka kooban 8 Qodob oo ah digniin ku socota Guddoomiyaha Baarlamaankii 10-aad Maxamed Mursal Sheekh.

    War-saxaafadeedka ayaa quseeya dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee khalkhalka siyaasadeed geliyey dalka, kana dhex taagan Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

    Waxay caddeeyay Midowga Musharixiinta inay garab taagan yihiin Ra’iisal wasaaraha, iyagoo Guddoomiye Maxamed Mursal uga digay inuu soo nooleeyo Baarlamaankii waqtigiisu dhammaaday si loo carqaladeeyo shaqada Ra’iisal wasaaraha.

    HOOS KA AKHRISO QODOBADDA WAR-SAXAAFADEEDKA

    1- Goluhu wuxuu si buuxda u garab taagan yahay Raysalwasaare Maxamed Xuseen Rooble oo mas’uuliyada amniga iyo doorashooyinka meel fagaare ah kula wareegay, kadib markii Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday uu ku fashilmay qabashada doorashooyin daahfuran, xor iyo xalaal ah, oo waqtigeeda ku dhacda.

    2- Goluhu wuxuu ku garab taagan yahay Raysal-wasaaraha in kiiska Ikraan Tahliil Faarax lagu sameeyo baaritaan hufan, eedaysanayaashana si deg-deg ah loo hor geeyo maxkamad awood u leh ka gungaaridda iyo qaaditaanka kiiskaas.

    3- Goluhu wuxuu cambaaraynayaa tallaabooyinka uu Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ku carqaladeynaayo caddaalad u helidda kiiska Ikraan, iyo gabaadka sharci-darrada ah uu siinayo eedaysanayaasha kiiska loo haysto.

    4- Goluhu wuxuu la socdaa dhaqdhaqaaqa uu gudoomiyihi hore ee Golaha Shacabka, Maxamad Mursal Abdirahman uu ku doonayo dib-u-soo noolaynta Golihi Shacabka ee muddo- xileedkiisu dhamaaday, iyadoo la doonayo in lagu carqaladeeyo daddaalka Raysal-wasaaraha, laguna hor istaagayo caddaalad u raadinta Ikraan Tahliil iyo Qoyskeeda.

    5- Goluhu wuxuu xusuusinayaa Maxamad Mursal in uu hore ugu fashilmay mu’aamaraadkaas, dalkana halis u geliyey colaad-sokeeye kadib markii uu meelmariyey muddakororsigii labada sano ahaa ee uu dalbaday Madaxweynaha mudda-xileedkiisu dhamaaday.

    6- Goluhu wuxuu uga dhigayaa guddoomiye-hore Mursal in uu mar kale dalka geliyo colaad-sokeeye, wuxuuna Goluhu ka waaninayaa in uu dib uga istaago shirqoolada lagu carqaladaynayo hawlaha Dastuuriga ah ee horyaalla Raysalwasaaraha.

    7- Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu ka codsanaayaa Golaha Wadatashiga Qaran in ay tixgeliyaan codsigoodii wax ka beddelka qodobo ka mid ahaa habraaca doorashooyinka oo u baahan in dib loo saxo, iyo in ay dedejiyaan dhamaystirka doorashooyinka Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.

    8- Goluhu wuxuu bogaadinayaa Madaxweynaha Dowladgobaleedka Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo fursad siman siiyey liiska tartamayaasha doonaya kuraasta Aqalka Sare oo ah sida saxa ah oo doorashooyinka loo agaasimo, waxaana u rajaynaynaa in ay doorashooyinkaas si daahfuraan ah ku soo dhamaystirmaan.

    Doorashada Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFacebook miyaa laga hagaa Go’aannada Ra’iisal wasaare Rooble, Yuuse tallooyinka ka qaataa..?
    Next Article Eedeysanayaasha Kiiska Ikran Tahliil oo Maxkamadda Milateriga looga yeerayo iyo waanwaanta socota…

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo