Waxaa sii kordhaya dalalka joojiyey ama hakiyey isticmaalka Tallaalka AstraZeneca oo maanta Soomaaliya soo gaaray, kadib markii lagu arkay saameyn ah in dadka lagu duro ay ka dhaxleen Dhiig ku xinjiroobay.
Dalalkii ugu danbeeyay ee hakiyey isticmaalka Tallaalka AstraZeneca waxay kala yihiin: Germany, France iyo Italy oo maanta ku dhawaaqay inay baaritaan dheeraad ah ku sameynayaan bedqabka Tallaalkan.
Dalalka Ireland iyo Netherlands ayaa isla maanta hakiyey isticaalka tallaalkan, iyadoo ugu yaraan 10 qof lagu arkay dhiig xinjirow ka dhashay tallaalka dalka Holland.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay inay talo caafimaad ka sugayaan Hay’adda European Medicines Agency (EMA) ee qaabilsan hubinta Tallaalkani ayna si digtooni leh u hakiyeen Tallaalka AstraZeneca.
Shirkadda AstraZeneca iyo Hay’adda World Health Organization (WHO) ayaa ku adkeysay in tallaalka uu yahay amaan, isla markaana aysan jirin sabab loo joojiyo adeegsigiisa.
Dalka Indonesia ayaa dib u dhigay adeegsiga Talaalka AstraZeneca, iyadoo Hay’adda Daawada Mareykanka ay tijaabo ku wado tallaalkan si loo hubiyo.
Ingiriiska ayaa ku doodaya inay tallaalkani qaateen dad ka badan 17 Milyan oo qof dadka saameynta dhiig xinjirowga uu ku yeesheyna aysan ka badneyn dhow boqol, taasoo aan saameyn weyn lahayn.
Hay’adda Daawadda u qaabilsan Yurub ee European Medicines Agency (EMA) oo shir degeg ka yeelaneysa arrintan ayaa laga filayaa inay go’aan kasoo saarto haddii dalalka Yurub sii wadayaan adeegsiga Tallaalkan iyo in kale.

