Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 7
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»DAMUL-JADIID MUSHAAR BIXIN MEYSEE MUTADAWACNIMO HA LOOGU SHAQEEYO..!

    DAMUL-JADIID MUSHAAR BIXIN MEYSEE MUTADAWACNIMO HA LOOGU SHAQEEYO..!

    June 17, 20154 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    DAMUL-JADIID MUSHAAR BIXIN MEYSEE MUTADAWACNIMO HA LOOGU SHAQEEYO, SHAQAALE WALBAANA DADKIISA HA U SHAXAAD TAGO !!

    musharUurka ayaa ku huraya ama jirka ayaa ku gubanaya haddii aad dhagaysato cabashada mushaaar la’aaneed ee ay qabaan shaqaalaha Dawladda Federaalka Soomaaliya,muddo dhawr bilood oo xiriir ah ayuu ka maqan yahay mushaaraadkii ay xaqa u lahaayeen, lacago deyn ah oo isku gaar-gaaray ayaa inta badan shaqaalahaaasi loo qabsadaa, nasiib daro qaarkood hanti ay lahaayeen ayaa looga haystaa ama loogala wareegay wax yar oo lagu leeyahay darteed.

    Ma yara khayla dhaanta ka soo yeeraysa hawl-wadeenadaaasi isugu jira Maskax-Maalka iyo Muruq- Maalka, maalinba maalinta ka dambaysa waxaa sii kordhaya culaysyada dhaqaale ee haysta dadkaasi, laakiin cidna dhag jalaq uma siiso, waa la madadaaliyaaa waxaana beerka loogu qaboojiyaa in bil walba waxooda la siinayo hase yeeshee sheekadaaasi macaanta badan cidna ma fuliso, waa rajo ku nool ku haminaya maalin uun iney qaadan doonaaan xaqa laga haysto.

    Qoysas aad u tira badan ayaa ku kala qeybsamay mushaaar la’aanta qabsatay shaqalaahaasi, rag iyo gabdho aad u sharaf badnaaa ayaa goobihii ay deganaayeen waxaa looga saaray sababo la xiriira iney iska bixin waayeen kiradii lagula heshiiyayay , aqyaar kalana oo iyana magac dheer leh waxey xaaladu tustay in ay ka dhuu-dhuuntaan qaar ka mid ah waddooyinka deynta looga leeyahay, saraaakiil aan iyaguna yareyn waxay door bideen iney xaasaskoodii iska fasaxaan mushaaar la’anta la soo gudboonaatay awgeed,intaas oo mushkiladood iyo in ka badan ayay farqaha ku sitaan ma noogayaasha maaalin walba u shaqo taga Hay’adaha Dawladda Federaalka Sooomaaliya.

    Ciriiriga nololeed ee lagu hayo shaaqaalahani wuxuu uu muuqdaa inuu yahay mid loogu tala galay, maxaa yeelay lacag la’aan ma hayso Dawlaadda Soomaaliya, maalin iyo habeen kasta waxaa ilaha dhaqaalaha ee wadanka laga soo guraaa malaayiin doolar, mucaawinooyin kala duwan oo isugu jira deeq qalab, mid raashin, iyo mid taageero maaliyadeed ah ayaa laga helaa beesha caalamka, hantida iyo kaaalmooyinka intaasi la eg ee Dawladda soo gala lama arko,saadaashuna waxey tahay iney ku dhacaan dhaqaaalhaaasi jeeb aan marnaba buuxsameynin oo ay leeyihiin dad dano gaar ah leh.

    Waa yaab in mar walba oo ay madaxdu khudbeynayaan iney jeediyaaan hadalo mac-macaan badan oo aan marnaba laga dhargeynin, waxaase naxdin leh inaan marnaba hoos loo fiirineynin nolosha adag oo ay ku jiraan shaqaalaha iyo shicibka kale ee caadiga ah, aqoonyahano badan iyo madax kale oo ka mid ah Dalalka daneeya arimaha Soomaaliya ayaa dhawr jeer u cel celiyaya in ku Takri fal iyo Musuq Maasuq baaahsan uu ka dhex jiro Hay’adaha Dawlaadda Federaaalka, iyagoo cadeeyay inta ay arimhaasi taagan yihiin iney adkaan doonto iney Dawladdu si joogto ah u bixiso mushaaraadka shaqaalaheeda dan yarta u badan.

    Ceebta ugu weyn ee Dawladaan ay hogaaminayaan reer Damul Jadiid ay la timid waxaa ugu mug weyn sida ay ugu dheel- dheelaayaaan hantidii ummadda, iyagoo faan iyo hawlba ka dhigtay safaro dhinaca dibadda ah oo laga maarmi karayay, qabashada casho sharafyo aan macno lahayn, bixinta taageero ku dhisan is tus-tus si la isu muuujiyo,abaabulida shirar lagu sheegay kulamo Qaran oo aan wax natiijo ah laga dhaxlin,iyo isku dhabaar jabinta sidii ay mar kale kooxdu uga soo laaban lahayd Hogaanka Dalka, arimahaasi iyo in kale oo ka baadan ayay hubaashii tahay in lagu bixiyay dhaqlaaihii Qaranka,sidaasi daraadeed shaqaalaha Dawladu ha ku raali ahaadaan mushaar la’aanta haysta, bacdamaa mushaaarkii ay dhawrayeen loo leexsaday meelo kale oo Dano Siyaasadeed laga leeyahay.

    Adduunka kama dhacdo, suurta galna ma ahan in qof aadan xaqiisa siineynin inaad ka sugto shaqo hufan, ruux kastaa oo hadda Dawladda Federaalka u shaqeeya maanta wax kalsooni ah uma hayo hawshiisa, wuxuuna ka wel-welsan yahay helitaanka nolol maalmeedkiisa, si uga baxsado gaajada dubanaysa ee aaney marnaba Dawladda uu u shaqeeyo diyaarka u ahayn iney wax ka qabato.

    Inkastoo dhibaatooyin kala duwan horey ay u soo mareen shaqaaalaha Soomaaliyeed haddana tan iminka haysataa horey uma aysan soo arkin, lama oga tacadiyadaan lagu hayo shaqaalhaasi xilliga uu soo dhamaanayo, balse waxaaa la wada rumaysan yahay in waqtigii uu Alle yiraahdo iney dhibaatadani soo gaba-gaboobi doonto, iyadoo inta ka horeysana shaqaalaha dhibaataysan lagula talinayo iney iska samraan isla markaana ay Dawladda Damul jadiid ay ugu sii shaqeeyaan si Mutadawacnimo ah oo iska wax u qabso oo kale ah, mar haddii lagu guul dareystay in mushaarkodii la siiyo.

    W/Q: C/llaahi X. Axmed (Sheekhaalow)

    [ad name=”HTML-1″]

    [ad name=”HTML-6″]

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDowladda Federaalka oo diiday shuruudaha Ahlu sunna & Wadahadalkii oo dib u bilowday
    Next Article Dastuurka maamulka cusub ee Goboladda dhexe oo la ansixiyay (Qodob muhiim ah)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo