Danjirihii xilligiisa dhammaaday ee Somalia u joogay dalka Kenya, Maxamed Cali Nuur (America) oo toddobaadkii hore xilka safiirnimo wareejiyay ayaa wareysi gaar ah siiyay wargeyska The Standard ee kasoo baxa magaalada Nairobi ku sheegay inuusan weli go’aansan mustaqbalkiisa siyaasadeed inuu isu soo sharaxo doorashada xilka madaxweynaha 2016-ka arrintaasina ay taageerayaashiisa ku soo qaadeen.
STANDARD: Intii aad danjiraha Somalia ee Kenya ahayd ayay dowladda Kenya u dirtay ciidammo gudaha Somalia, ciidamadaas ma waxay ahaayeen kuwo u galay Somalia qaab fara-gelin ah?
Danjire America: Ciidamada Kenya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM waxay ku garab siinayaan ciidamada dowladda Somalia dagaalka lagula jiro Al-shabaab, kuwaasoo deegaanno badan ka saaray. Dabcan, waa dambiilayaal weerarro ku qaada dalalka Soomaaliya iyo Kenya; waxaana rumeysanahay inay xogta la xiriira Al-shabaab ay la wadaagaan hay’adaha nabad-sugidda Soomaaliya si loo ciribti kooxdan.
STANDARD: Waa maxay guulihii ugu waaweynaa ee aad gaartay intii aad danjiraha ahayd?
Danjire America: Waxaan qayb weyn ka qaatay xoojinta xiriirka ganacsi ee Soomaaliya iyo Kenya u dhexeeya. Waxaan gacan ka geysannay inay toddobaadkiiba ay ka yimaadaan Muqdisho ayna aadaan saddex duulimaad, balse hadda waxaa u baxa illaa fara duulimaad, waxaanan rajeynayaa in dhawaan ay diyaaradda Kenyan Airways ku biirto Turkish Airlines oo duulimaadyo joogto ah ku tagto Muqdisho iyo magaalooyinka kale. Soomaaliya waa dalka ugu xeebta dheer Afrika, sidoo kalena dadkeennu waa dad aad ugu xeel-dheer ganacsiga, taas oo qayb weyn ka qaadan karta dib u soo noolasha dhaqaalaha dalkeeda oo horay u burburay. Arrinta aan ku faani karo waa in calanka Somalia aan ka taagay safaaradda Somalia ay ku leedahay Kenya.
STANDARD: Maxaad u sheegi lahayd Shacabka Kenya?
Danjire America: Mararka qaar marka ay weerarro dhacaan, waxaan warbaahinta ku aragnaa inay Al-shabaab ku tilmaamaan inay Somal yihiin, balse waxaan leeyahay ma ahan Somali ee waa dambiilayaal. Qoxooti badan oo Soomaaliyeed ayaa dambiilayaashaas dartood ugu sugan Kenya. Soomaaliya iyo Kenya waxay leeyihiin hal cadow ee waa inay u midoobaan sidii ay cadowgoodaas ugu midoobi lahaayeen. Waxaan rumesaynahay in Kenya ay Qoxootigeenna ku haysay dalkeeda muddo 21-sano ka badan. Ciidamada Kenyana waxay kula jiraan ciidamada Qaranka Somalia dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

[ad name=”HTML-1″]
STANDARD: Waxaa jira warar sheegaya inaad doonayso inaad ka qaybgasho doorashada Somalia ka dhacaya sannadka soo socda oo aad u tartami doono xilka madaxweynenimada. Iyadoo la sheegay inaad tahay qofka bedeli lahaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Sannadka 2016-ka, arrintaas maxaa ka jira?
Danjire America: Taas waa mid ay ii rajeynayaan taageerayaasheyda iyo saaxiibadey, balse anigu weli ma go’aansan taas. Waxaase rabaa inaan Somalia dib ugu laabto oo aan dhiirri-geliyo dib u heshiisiinta. Soomaaliya waxaa ka jiray labaatameeyadii sano colaado sababay in qoysaskii Soomaaliyeed ay dalka ka barakacaan, kuwo kalena la dilo. Waxaan doonayaa inaan noqdo danjire nabadeed oo aan la kulmo Haweenka iyo Ragga Soomaaliyeed si aan ugala Hadlo nabadeynta dalkeenna Soomaaliya.
STANDARD: Waa maxay sababta laguugu bixiyay magaca Ameeriko?
Danjire America: Waa naynaas aabahay loogu yeeri jiray sannadihii 1950-kii illaa 1960-kii xilligaas oo uu u shaqeynayay shirkad Mareykan ah, aniguna waxaan ka dhaxlay naynaastaas.
STANDARD: Maxaa kugu dhiirri-geliyay inaad socdaal nabadeed sameyso?
Danjire America: Waxaan cafiyay ruux dilay gabadheyda oo 14-bilood jir ahayd, kaasoo ka mid ahaa dabley soo weeraray guriga aabbahay mudo hadda laga joogo 20-sano. Wuxuu i weydiistay cafis, waana cafiyay, marka haddii kuwa noocaas oo kale ah la cafiyo, waxaan hubaan in aan deggenaasho heli doonno.
STANDARD: Safiirnimada waxaad ka tagtay xilli xukuumadda Kenya ay sheegtay inay ay hay’adda UNHCR ka dalbatay inay muddo saddex bilood gudahood ah Qoxootiga Soomaaliyeed ee xeryaha Dhadhaab ku jira dib loogu celiyo Soomaaliya, arrintaas walwal ma kugu haysaa?
Danjire America: Kenya iyo Soomaaliya waxay heshiis la xiriira in la caawiyo Qoxootiga ay ka go’an tahay inay si iskood ah dalkooda ugu laabtaan haya’dda Qoxootiga Adduunka ee UNHCR. Sannadkii lasoo dhaafay qaar ka mid ah Qoxootigeenna ayaa si iskood ah dalkooda dib ugu laabtay. Dowladda Kenya waa in taalaabo walba oo ay qaadayso ay ku saleysaa heshiiskaas saddex-geesoodka ahaa.
STANDARD: Kalimaddaada ugu dambeysa maxaad ku oran lahayd?
Danjire America: Dadka Kenya waa kuwo nabadda jecel. Waxaana uga mahad-celinayaa sida ay u soo dhaweeyeen kumannaanka ruux ee Soomaalida ah ee Kenya ku noolaa 21-kii sano ee ugu dambeeyay, waxaana rajeynayaa in xiriirkaas uu noqdo mid intaan kasii xoogeysta.
Source: The Standard
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-6″]