Kiiska dilka kaaliyaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa meel xasaasi ah maraya iyadoo la baadigoobay ninkii dilka geystay.
Ninka dilka geystay ayaa ahaa darawalkii Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Gaafow Maxamuud, waxaana lagu maagacaabaa Faarax Cali Nuur, kaasoo la sheegay inuu muran dhex maray marxuumka dilka u geystay oo ay guri ku wada noolaayeen, isla markaana ay saaxiibo ahaayeen.
Odayaasha mas’uulka la dilay ayaa dalbaday in la soo qabto oo sharciga la horkeeno ninka dilka geystay, iyadoo diiday in la aaso marxuumka la dilay Mursal Aw-Cumar oo ku jira qaboojiyaha isbitaalka Medina.
Darawalka Jen. Gaafow ee dilka geystay ayaa dadaal loogu jiraa in lasoo qabto isagoo laga cabsi qabo inuu u baxsaday degaanada Alshabaab ka taliyaan.
Wadani.com