Waxaa la saadaaliyay in Dayax madoobaad gaara oo noociisu dhif yahay uu ka dhici doono dunida Caawa iyadoo laga arki doono Qaaradaha Aasiya, Yurub, Afrika, Koonfurta America iyo meelo badan oo caalamka ka mida.
Saadaasha la bixiyey ayaa sheegeysa in dayaxa uu noqon doona mid ay qeyb ahaan ama inta badan uu daboolo Guduud, waxaana loo yaqaan Dayaxa Guduudan ma Dayaxa Dhiigaya, waxaana uu socon doonaa muddo ku dhow lix saacadood, waxana uu noqon doonaa kan ugu waqtiga dheer muddo hal Qarni ku dhow.
Caawa waxaa meelo badan oo dunida ah laga dhowrayaa Dayax Madoobaadkii ugu dheeraa Qarniha 21aad ee dunida ka dhaca, waxaana sidoo kale dadka xidigista yaqaan ay sheegeen in Xiddiga Mariikha ama Mercury oo aad ugu soo dhowaan doono dhulka, iyadoo dhowr xiddig si fiican loo arki doono.