Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya shir degdeg ah, iyadoo lagu wado inay go’aan cad kasoo saaraan kiiska Sarkaalka ONLF oo lagu wareejiyay Itoobiya.
Wararka laga helayo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in go’aanka dowladda Soomaaliya ee ku saabsan Kiiska C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) la shaacin doono maanta.
Qoraal lagu faahfaahinayo arrintan oo xiisad weyn ka dhalisay dadka Soomaaliyeed dhexdooda ayaa la sugayaa inay soo saaraan Golaha Wasiirada Soomaaliya oo guddi loo saaray uu soo gabagabeeyay qabyo qoraalkii arrintan.
Arrinta C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) ayaa u muuqata inay tahay go’aan dowladeed oo si rasmi ah ay u qaateen madaxda sare iyo hay’adaha ammaanka, taasoo ka duwan warar kala duwan oo laga baahiyay arrintan.
Xubnaha golaha wasiirada ayaa goor dhoweyd bilaabay inay tagaan xaruntooda, wuxuuna kulankan imaanayaa ku dhowaad laba toddobaad aanay kulmin golaha wasiirada.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA