Maleeshiyada Kooxda Alshabaab ayaa la wareegtay saldhigga weyn ee ciidamadii Kenya ku lahaayeen tuulada Kulbiyow ee degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose.
Weear aad u xoog badan oo Alshabaab ay dhowr jiho uga qaadeen xerada ciidamada Kenya ee Kulbiyow oo dhacay aroortii saaka xilli hore ayaa la sheegay inay u suuragelisay inay Alshabaab la wareegaan saldhigaasi.
Dadka degaanka ayaa sheegay inuu dagaalku ahaa mid culus oo Alshabaab isu diyaariyeen isla markaana ay la wareegeen xerada, ayna jiraan qasaare badan oo halkaasi ka dhacay.
Ciidamada Kenya ayaa la sheegay in qasaare xoog leh soo gaaray, iyadoo ay ku wehliyeen ciidamo Soomaali ah, waxaana wararkii ugu danbeeyay ay sheegayaan in xaaladda ay kacsan tahay isla markaana ciidamo gurmad ah iyo diyaarado dagaal ay Kenya soo dirtay.
Dagaalka Alshabaab ku qabsadeen xerada milateriga ee Kulbiyow ayaa socday muddo ka badan saacad iyo bar wuxuuna la mid ahaa dagaalkii Ceelcadde iyadoo wararku sheegayaan in lagu dilay askar badan oo Kenyaan ah.
Alshabaab ayaa sheegatay inay gudaha u galeen xerada oo ay ku laayeen askar Kenyaan ah, waxayna bartooda warbaahinta ku sheegeen in dagaal culus ka dhacay xerada Kulbiyow kaasoo ku bilowday is-miidaamin iyo weerar toos ah.
Bishan oo kale sanadkii hore ayay ahayd markii ALshabaab weerar culus kula wareegeen saldhigii ciidamada Kenya ee Ceelcade oo lagu laayay askar ka badan 150 askari oo Kenyaan ah.
LA SOCO FAAHFAAHIN CUSUB….