Maleeshiyo ka tirsan kooxda Alshabaab ayaa dib ula wareegay degmada Tiyeglow ee Gobolka Bakoolo saacado kooban kadib markii ay ka baxeen ciidamada Itoobiya.
Maleeshiyo fara badan oo ka tirsan Alshabaab ayaa si degdeg ah ula wareegay goor dhoweyd gacan ku heynta degmada Tiyeglow ee gobolka Bakool, waxayna wararkii ugu danbeeyay ay sheegayaan in dadkii ugu faraha badnaa ay ka qaxeen magaalada.
Ciidamada Soomaaliya, madaxdii degmada ee maamulka Koonfur Galbeed iyo odayaashii dhaqanka ayaa hore u sii raacay ciidamada Itoobiya.
Wasiirka hub ka dhigista maleeshiyaadka ee Koofur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed ayaa xaqiijiyay in ciidamada in Alshabaab la wareegeen Tiyeglow isagoo wareysi siiyay idaacadda Risaala ee Muqdisho, wuxuu mas’uuliyadda dusha ka saaray dowladda Soomaaliya.
Wasiirkan ayaa sheegay in wax laga xumaado tahay in ciidamada Ethiopia isaga baxaan magaalooyinka waaweyn ee koofur Galbeed kadibna Alshabaab u qabsadaan. wuxuuna caddeeyay inuu isagu ku wajahan yahay degmadaasi.
Wadani.com