War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in kooxda Alshabaab ay madaafiic ku rideen Garoonka diyaaradaha magaalada Baraawe oo ay goor dhow ka degeen madax kala duwan.
Wararka ayaa sheegaya in Alshabaab ay duleedka magaalada ka tuureen madaafiic dhowr ah oo ay ku weerarreen Garoonka diyaaradaha magaalada Baraawe, iyagoo ku soo beegay xilli ay halkaasi ka degayeen madaxweynaha K/Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Lama soo werin wax qasaare ah oo madaafiicdaasi geysatay, iyadoo la sheegtay inay seegeen gudaha garoonka, kuna dhaceen hareeraha magaalada.
Ra’iisal wasaare Kheyre iyo Shariif Xasan ayaa Baraawe u tegay dardar gelin dagaal Alshabaab lagu qaadayo oo ku wajahan Gobolka Sh/Hoose.