Guddigii Aqalka Sare ee Baarlamaanka u saareen Arrinta Mooshinka laga keenay guddoomiye Jawaari ayaa go’aanno kasoo saaray kulamadii ay la yeesheen madaxda sare ee dowladda.
Shir jaraa’id oo ay goor dhow qabteen ayay ku shaaciyeen natiijadii kulamadii ay la qaateen madaxweynaha, Guddoomiye Baarlamaanka iyo ku xigeenka koowaad, Ra’iisal wasaaraha iyo guddoomiye ku xigeenka labaad, iyadoo kadib dalbaday in loo hoggaansamo 5 qodob iyo baaq ay soo saareen:
War-saxaafadeedka Guddiga ayaa lagu sheegay in la isla gartay in Mooshinka Guddoomiye Jawaari la waafajiyo dastuurka iyo xeer hoosaadka Baarlamaanka, waxayna qodobadda ay soo saareen kala yihiin:
1- In la joojiyo ololeyaasha siyaasaded iyo farriimaha la isu marinayo warbaahinta,
2- In la qabto shirka guddiga joogtada ah oo lagu agaasimo qaabka mooshinka guddoomiyaha u soconayo.
3- In maareynta Mooshinka loo maro qodobka 65aad ee Dastuurka iyo qodobka 9aad ee xeer hoosaadka Baarlamaanka/
4- Iyo in Golaha Shacabka laga qaado ciidamadii ay xukuumaddu geystay, laguna soo celiyo xaaladii ka horeysay mooshinka.