Kulankii Aqalka sare ee Baarlamaanka ayaa maanta looga hadlay Weerarkii lagu qaaday Guriga Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo ka tirsan Golahaasi.
Kulanka ayaa lagu dalbaday faahfaahin ku saabsan sida ay ku dhacday arrinta lagu weeraray Guriga Cabdi Qeybdiid iyo cidda ka dambeysay, waxayna ku doodeen inaan lagu qanci karin 40 askari oo weerarkaasi loo xiray.
Ugu danbeyn Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u yeeray inay Golahaasi hortagaan Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow iyo Mursal Maxamed Sheekh.
Waxaa kaloo Aqalka Sare u yeeray taliyaha ciidamada xoogga dalka si wax looga weydiiyo wixii ka dhacay Guriga Cabdi Qeybdiid.