Codsigii Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ku dalbaday in dib loogu dhigo waqtiga codka kalsoonida loo qaadayo xukuumadiisa ilaa 22-ka bishan oo ku beegan Khamiista danbe ayaa lagu diiday cod ay Baarlamaanku u qaadeen kadib dood dheer oo xubno ka mida golaha wasiirada ku diidanaayeen in cod la qaado.
Waxaa baarlamaanka ku sugnaa: 177
Waxaa codeeyay: 177 xilkhibaan
Waxaa codsiga diiday: 120
Waxaa codsiga aqbalay: 57
Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay natiijada wuxuuna sheegay in codsigii Ra’iisal wasaaraha la diiday isla markaana sidii ay ahayd balanta laga doonayo in xukuumada la horkeeno baarlamaanka Sabtida 17-ka Janaayo.
Diidmada xildhibaanada Baarlamaanku ku diideen codsigii Ra’iisal wasaare CCC ayaa loo arkaa inay digniin iyo farriin cad u tahay xukuumadiisa oo mucaaradnimo aan hore loo arag kala hor yimaadeen xildhibaanno badan oo kala ujeedo ah.
Cod u qaadista ka hor waxaa dood dheer shirka geliyay xubnaha ka midka ah Golaha wasiirada oo 32 ka mid ay is qortay, laakiin guddoonka ayaa ku adkeystay in maanta codka la qaadayo ee aan dib u dhac jiri doonin.
Goobjooge.com
Muqdisho