Baarlamaanka Soomaaliya ayaa bilaabay dood ku saabsan in codka kalsoonida loo qaado waqtiga xukuumada al hor geynayo baarlamaanka taasoo codsi ka yimid Ra’iisal wasaare CCC uu dalbaday in dib loogu dhigo ilaa 22-ka bishan Janaayo.
Xubnaha ka midka ah baarlamaanka ee ku jira xukuumadda ayaa buuq wey geliyay shirkii Baarlamaanka iyagoo ku doodaya inaan cod la qaadi karin, arrintuna tahay codsi loo aqbalo maadama aanay dhammaan xilligii uu sharci ahaanta u lahaa Wasiirka koowaad. ka doodista codsiga Ra’iisal wasaaraha ee hadda socota waxaa is qoray isla xubnaha ka midka ah Golaha wasiirada, waxayna nuxurka doodoodu tahay inaan wax cod ah la qaadin ee la tixgeliyo codsiga Ra’iisal wasaaraha.
Kadib wuxuu baarlamaanku galay dood arrintaas ku saabsan oo xilligan ka socota xarunta Baarlamaanka, waxaana golaha wasiirada cusub ee xildhibaanada ah ay dadaal aan yareyn ugu jiraan inay waqtiga dib u dhigaan wax kastoo ay ku qaadato xita dooda socota ha noqotee. Xukuumadan oo intii aanay imaan baarlamaanka murankan weyn ka dhashay ayaa loo yaabaa walow xubno uu ka mid yahay Shariif Xasan ay ku doodayaan inay heli karaan codka kalsoonida ayna adeegsan doonaan dhaqaale sidii horeba loogu riday xukuumadii hore.
Goobjooge.com
Muqdisho