Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in bannaanbaxyo waaweyn ay ka socdaan magaaladaasi.
Dadweyne ka careysan iska hor imaad dad dhowr ah lagu dilay xalay ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalada, iyagoo ku dhawaaqaya ereyo ay uga horjeedaan dilalka ka dhacay magaalada.
Dadweynaha ayaa ka horjeeda ciidamada tegay magaaladaasi oo laga diray Muqdisho, kuwaasoo lagu eedeeyay inay dil iyo dhaawac u geysteen ciidamo madani ah iyo dadweyne reer Jowhar ah.
Xalay ayay ahayd markii iska hor imaad kala shaki ku yimid uu ka dhacay magaalada Jowhar, waxaana dagaal dhex maray ciidamo madani ah iyo ciidamada Booliska ee magaalada loo geeyay amaanka shirka Jowhar.
Wadani.com