Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya inuu hadda ka socdo bannaanbax weyn oo looga horjeedo duqeyn xalay ka dhacay Bariga Mudug.
Banaanbaxan ayaa waxaa isugu soo baxay dadweyne fara badan oo Koonfurta Gaalkacyo ku nool, waxayna uga horjeedaan duqeyn diyaarado Dagaal oo loo maleynayo in Mareykanku leeyahay ay ka geysteen degaanka Jeexdin, ee Bariga Gobolka Mudug oo lagu dilay ciidamo ka tirsan Galmudug.
Arirntan ayaa xiisad ka abuurta magaalada Gaalkacyo, waxaana muuqata in Mareykanka uu markan ku dhex dhacay xiisad beeleed oo ka jirta gobolka Mudug.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka so baxay Maamulada Puntland. Galmudug ayaa dhinaceeda ay ka soo yeereen warar is khilaafsan oo qaarkood ay sheegayaan in ciidamo la duqeeyay, halka warar hore ay sheegeen inay shacab ahaayeen dadka la dilay.
Wadani.com