War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ciidamada Booliska ay gacanta ku soo dhigeen gabadhii la raadineyay ee Amaal Nuur Cusmaan oo hooyadeed Amran Xalane ay madaxda sare ee dowladda codsiga u dirtay.
Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in Booliska ay hayaan, soona heleen Amaal Nuur Cismaan oo muddo laba bilood ah ka maqneyd qoyskeeda markii ay ka baxsatay xarun dhaqancelin oo ku taalla magaalada Muqdisho.
Dooda ku saabsan in Gabadhan ay da’deedu tahay 18 sano jir ayaa ujeedkeedu yahay in laga dhig qof qangaar ah oo keligeed go’aan qaadan kasta, waxayna arrintan ahayd tan kaliya uu xoogga ku saaray taliyaha cidiamada Booliska shirkiisa jaraa’id, lamana oga sida ay Hay’addan u heysay gabadha iyo sababta loo qariyey mudaddaasi.