War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in goor dhoweyd la sii daayay uu xoriyadisiii dib u helay siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur Warsame, iyadoo damiin lagu sii daayey.
Wadahadallo socday in ka badan 10 saacadood oo ay qeyb ka ahaayeen madax kala duwan, odayaal iyo maamul Goboleedyo ayaa ugu danbeyn si xeer jajab ah lagu sii daayay C/raxmaan C/shakuur oo 3 maalmood u xirnaa dowladda Federaalka, isla markaana ku jiray xarunta Dhexe ee NISA.
Sii deyntiisa waxaa xaqiijiyey odayaasha iyo xildhibaanada ay isku beesha yihiin oo dadaal aan kala har lahayn u galay sidii madaxda dowladda Federaalka loogu qancin lahaa in la sii daayo.
Xeerjajabka lagu sii daayay C/raxmaan C/shakuur oo ahaa mid adag ayaa keenay in la isku mari waayo oo saacado badan uu qaado shuruudaha sii deynta oo in damiin lagu daayo la isku waafaqay.