Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/weli Ibraahim Muudey oo goor dhoweyd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa guddoomiyaha iyo ku xigeenka labaad ee Baarlamanka ku eedeeyay inay ciidamo la yimaadeen xarunta Baarlamaanka, isla markaana ay khalkhal geliyeen amnigii golaha.
“Shacabk Soomaaliyeed waa inay ogaadaan, Wixii hore loo sheegi jiray inay soo baxeen oo sharcigii uu diidan yahay guddoomiyaha Mooshinka laga keenay, waxaan u soo jeedinayaa madaxweynaha Soomaaliya inay dib u eegaan wixii maanta dhacay tallaabo sharci ahna laga qaado..” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee C/weli Muudey
Wuxuu ku eedeeyay Guddoomiye Jawaari iyo ku xigeenkiisa Mahad Cawad inay sameeyen ku xadgudub sharci oo aan hore loo arag, iyadoo sharcigii lagu doortay ay ka hor yimaadeen oo ay diideen in Baarlamaanka uu ku dhaqmo sharciga u yaalla.