War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) loo doortay Guddoomiye guddi muhiim ah.
Cabdi Qeybdiid ayaa loo doortay guddoomiyaha Guddiga Dib u eegista Dastuurka oo ah guddi ka kooban labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Cabdi Qeybdiid ayaa helay 6 cod, halka uu C/raxmaan Faroole ka helay 4 Cod, waxaana ku adkaaday doorasadii Cabdi Qeybdiid oo 10-kii xubnood ee Guddiga ay 4 ka mida siiyeen codkooda.
Waxaa xilkan si weyn u doonayay oo olole weyn u galay madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole.
LA SOCO FAAFHAAHINTA..
Musharixiinta ku tartamay xilka guddoomiyaha Guddiga ayaa kala ahaa:
1 – Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid
2- C/Raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole
XUBNAHA GUDDIGA DIB U EEGISTA DASTUURKA WAXAY KALA YIHIIN:
- Sen. C/raxmaan Maxamed Maxamud (Faroole)
- Sen. Cabdi Xasan Cawaale Qeydiid
- Sen. Xuseen Sheekh Maxamud
- Sen. Cabdikarim Maxamed Xasan
- Sen. Iftiin Xasan Imaan.
- Cismaan Xaaji Cali
- Maxamed Cabdillahi Kaamil
- C/Rashiid M.Xasan
- Burhaan Aadan Cumar
- Axmed Abdul Ruush
Faroole & Cabdi Qeybdiid oo ku tartamaya Guddoomiyaha Guddi muhiim ah [Warbixin]