War aanu ka helnay degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya inuu gudaha Magaaladaasi isku dhac kooban ku dhex maray ciidamo Itoobiyaan ah iyo ciidamo ilaalo u ah Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil oo xalay soo gaaray magaaladaasi.

Isku dhaca ayaa yimid markii Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil uu tegay Garbahaarey, kadibna ay ka war heleen ciidamada Itoobiya iyo maamul taabacsan Axmed Madoobe. Ciidamada Itoobiyaanka ayaa weerar ku qaaday maanta guri uu ku sugnaa Gudoomiye Kaliil degmada Garbahaarey, waxaana wehliyay Guddoomiyaha Garbahaarey Iimaan Cadoow Kaarshe.
Iska hor imaad ka dhacay halkaasi ayaa al sheegay in kadib arrinta la qaboojiyay sida uu sheegay Cali Ibraahin Xuseen oo ka mida saraakiisha Ciidamada Milateriga dowladda ee ku sugan Degmada Garbahaareey ciidamada Itoobiya ayaa loo diiday inay qabtaan oo ay xiraan Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil, waxaan weli ka taagan halkaasi xiisad iyadoo labada ciidan ay is hor fadhiyaan.
Dhageysato codka sarkaalka
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]