Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in dagaal beeleed u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed uu ka qarxay duleedka magaaladaasi.
Dagaalka ayaa ka socda degaanka Qaran-cad oo galbeedka magaalada Beledweyne uga beegan, iyadoo la isku qabsaday arrimo daaqsin la xiriira kadib roobab dhowaan halkaas ka da’ay.
Wararka hordhaca aha ayaa sheegaya in dagaalka uu sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh, iyadoo dad badan ay ka barakaceen.
Labadan beelood ayaa hore dagaalo u dhex mareen, waxaana la isku adeegsanayaa hub waaweyn. Dagaalkan ayaa ku soo beegmay iyadoo magaalada Beledweyne uu ka socdo shir la sheegay in lagu heshiisiinayo beelaha Hiiraan.
FAAHFAANTA LA SOCO…
Wadani.com