War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in iska hor imaad hubeysan uu magaalada Muqdisho ku dhex marayo ciidamada xasilinta iyo maleeshiyo.
Dagaalkan oo rasasa culus iyo kuwa fudud la isku weydaarsanayo ayaa iminka ka socda xaafado ka mida degmada Wadajir ee Gobolkaan Banaadir, waxaana la sheegay in weli la maqlayo daryanka rasaasta.
Dadka degaanka ayaa sheegay in iska hor imaadka uu yimid kadib markii ciidamada xasilinta amniga oo howlgal ka wada degmada Wadajir ay isku dhaceen Maleeshiyaad degaanka klu sugnaa.
Wararka iska hor imaadka oo hadda uun soo baxay ayaan la ogeyn qasaaraha uu dhaliyay, waxaana wararkii ugu danbeeyay ay sheegayaan in rasaasta ay hadda hakatay, kadib markii la qabtay maleeshiyadii iska hor imaadka dhex maray ciidamada, waxaana dhaawac kasoo gaaray askari ka mida ciidamada.
Ciidamada Xasilinta oo qabtay Dabley hubeysan oo iska hor imaad dhex maray