Dagaalkii Garacad ee u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo kuwa Alshabaab ayaa weli socda iyadoo Puntland ay digniin u jeedisay dadka degaankaasi. Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocade oo goor dhoweyd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa sheegtay in guulo laga gaaray dagaaladii ciidanku kula jireen firxadka Al-Shabaab oo weli dagaal ka wada duleedka degaanka GARACAD.
Wasiirka aya asheegay inuu dagaalku ka socda meel 20-KM dhinacaa koonfurta kaga began degaanka Garacad ee Gobalka Mudug, wuxuuna shacabka degaankaasi wasiirku waxa uu shacabka ugu digay inay ka digtoonaadaan shabaabka firxadka ah. “Dawladda Puntland waxay Maanta shaacinaysaa xaaladda dagaal ee Deegaanka Dhinowda oo 20-km dhinacka koonfur ka jirta Garacad, weli waa socdaa dagaalkii waana dagaal goos goos ah oo lagu daba-joogo firxadka Al-shabaabkii ku soo duulay Puntland waxayna maraysaa geerida hadda Ciidanka Difaacu ka dileen 112 ,Maxaasiibta la hayo waxay gaarayaan 61 Maxbuus’’. ayuu yiri Wasiir Soocade.
Soocade ayaa ugu baaqay degaanada ay ku wajahan yihiin maleeshiyada Alshabaab inay la dagaalamaan Alshabaabka oo aanay wax naxariis ah u gelin.
DHAGEYSO WASIIR SOOCADE
Wadani.com